Abiy Ahmed oo cambaareeyay dilalkii Axmaarada loo gaystay.

Raysal wasaaraha Ethiopia a,Abiye Ahmed ayaa cambaareeyay dilalkii dadka Axmarada loogu gaystay galbeedka gobolka Wollega ee Oromada.

Wuxuuna sheegay in caddawga dibada iyo gudaha oo ku hawlan arrimahan ay rabbaan innay waddada ka weeciyaan, balse aysan u suurto gali doonin islamarkaana ay sii wadi doonaan geediga midnimada shucuubta Ethiopia.

Abiy Ahmed ayaa arintaan ku tilmaamay mid lagu marin yabaabinayo midnimada uu la goobayo dadka Ethiopia wada dagan.

 

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ADS