Booliska Soomaaliya oo gacanta u dhigay 11 ruux oo ku eedeysan Falkii Xamdi.

Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa waxa ay gacanta ku dhigeen 11 ruux oo lagu eedeeyay kiis dhawaan ka dhacay Magalada Muqdisho kaasi oo ahaa Gabadh fal kufsi ah loogaystay kadibna dabaq laga soo tuuray.

Afhayeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo saxaafada lahadlaya ayaa waxa uu sheegay in ay 11 ruux oo eedeysanayaan ah gacanta ku soo dhigeen qaarkalana ay ku raad joogaan.

Sadiiq Aadan cali Afhayeenka Booliska ayaa sheegay in ay wadaan Baadhitaano ay ku goobayaan dadka la soo eedeeyay ee baxsaday,isagoo sidookale cadaalad u rajeeyay Xamdi Maxamed Faarax oo 11 bishaan dil iyo kufsi la isugu daray.

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ADS