Ciidanka Militariga oo Baled-xaawo ku soo bandhigay Rag Alshabaab ka tirsan.

Taliska Ciidanka Militariga Gobolka Gedo iyo Ciidamada Xasilinta Baled-xaawo ayaa waxa ay soo bandhigeen arg ay sheegeen in ay ka tirsanaayeen ururka Alshaab oo ka dagaalami jiray Gobolka Gedo.

Ragaan oo la sheegay in ay ahaayeen 3 nin ayaa waxa ay isu soo dhiibeen ciidanka xaslinta waxaana Baled-xaawo ku soo dhaweeyay Taliyaha Ciidankaasi Bakaal Kooke.

Taliyaha Ciidamada xasilinta Gobolka Gedo Bakaal Kooke ayaa Saddexda Ragga ah Magacyadooda waxaa uu ku kala sheegay Maxamed Qani Shide Ibraahin oo watay Qori nooca loo yaqaan AK47 , Cabdiqadir Ibraahim Cabdullaahi oo isna  watay  Qori AK47 & , Cabdicasiis Maxamed Koosaar, dhamaantood ayaana waxa ay ka tirsanaayeen kooxda Alshabaab gaar ahaan kuwa ka dagaalama Gobolka Gedo.

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ADS