Daawo sawirada:Qaabkii Godey loogu soodhaweeyay Wafdigii ONLF.

Masuuliyiin ka tirsan Xisbiga ONLF ONLF waxa ay gaadheen Magaalada Godey ee xarunta Gobolka Shabeelle.

Wafdigaan ayaa waxa ay soo dhawayn aad u balaadhan kala kulmeen shacbka ku dhaqan Magaalada Godey.

Boqolaal kamid ah shacabka Gobonimada jecel ee reerGodey ayaa waftiga kusoo dhaweeyay afaafka hore ee Xafiiska JWXO ee Gobolka Shabeelle.

Shacabka oo lulayay caleemo qoyan iyo calanka JWXO ayaa Madaxda usoo dhaweeyay si qurux badan, iyagoo kudhawaaqayay erayo soodhawayn ah.

Madaxda ayaa khudbado wacyi galin iyo xogwaran isugu jiray ujeediyay shacabkii soodhaweeyay, iyagoo ubidhaamiyay ujeedada kadambaysa in kaararka codbixinta laxado.

Waftigaan ayaa Magaalada Godey kulamo kula yeelandoona waxgaradka iyo shacabka  ku dhaqan halkaasi.

 

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ADS