Deg deg :Gantaalkii Shiinaha oo lasheegay in uu kudhacayo Sudan.

Gantaalkii Shiinaha ayaa lagu qiyaasay inuu ku dhici doono Dalka Suudaan.

Dadka ku nool Gobalka Waqooyiga ee Sudaan ayaa cabsi iyo jahwareer galay. kadib, markii uu Wasiirka Caafimaadka Suudaan Cumar Al-Najiib shaaciyey inay Hay’adda Shisheeye ku soo wargelisay inuu Gobalka Waqooyiga Sudan ku habsan doono Gantaalka Shiinaha.

Waxaa la soo Weriyay inuu Gantaalka Shiinaha ee Long March 5B Y2 beri Subax ku soo dhici doono Waqooyiga Sudan.

Gaadiidka iyo Shaqaalaha Gurmadka ayaa Heegan la geliyey, waxaana lagu jiraa Feejignaantii u saraysay Xilligan oo ay dadku saxuuranayaan.

Gobalkaasi waxa uu ku dhexeeya Webiga Nile ee Waqooyiga caasimadda dalkaasi ee Khartuum ilaa Xuduudka dalka Masar.

Waa dhul Beeraley ah oo Caan ku ah Qamadiga iyo dalagyada kale.

Fikradaha Akhristayaasha (0)


Comments are closed.

ADS