Deg Deg:Taliyaha ciidanka Xooga Dalka oo safar aan horay looshaacin kutegay Gedo.

Taliyaha Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliyeed Janaraal Odawaa Yuusuf Raage iyo Wafdi Sarakiil ah oo uu hogaaminayo ayaa waxa ay caawa ka degeen Degmada Doolow ee Gobolka Gedo.

Janaraal Odawaa ayaa waxa safarkiisa ku wehelinaya Taliyaha Ciidamada Kumandooska Gorgor Guutada 17aad Gaashaale Dayax, Taliyaha Qeybta 43aad Guutada 10aad Ee Gobolka Gedo, Ganaraal Maxamed Cadoow Cali Sanka Iyo Saraakiil Kale ayaa waxaa ay halkaasi kulan kula yeelanayaan  Saraakiisha Ciidamada & Maamulka degmada Doolow.

Safarka Taliyaha Ciidanka Xooga Dalka ayaa waxa uu ku soo beegmayaa xili maanta Ciidamo ka tirsan Gorgor Dowlada Soomaaliya ka dajisay Degmada Doolow.

Ciidamada Gorgor ee maanta la geeyay Doolow ayaa waxaa la sheegay in lagu xoojinayo ciidamadii horay ugu sugnaa xuduuda ay Soomaaliya la leedahay Kenya.

Taliyaha Ciidanka Xooga dalka ayaa waxaa garoonka ku soo dhaweeyay Gudoomiyaha Gobolka Gedo Cismaan Nuur Xaaji  Macalimuu, Madaxa Amniga Iyo Siyaasada Gobolka  Diini, Taliyaha Ciidamada Xasilinta Gobolka Bakaal & saraakiil kale.

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ADS