Doodii Halgame Cadaani Iyo Axmed Nagaashe.

Maalintii shalay oo Jumce ahayd waxaa dood sooqaban qaabisay laanta Afka Soomaaliga ee BBC-da.

Doodan oo ciwaankeedu ahaa Arimaha doorashada iyo Asxaabta dalka oo isku fahmi waayay qaabka ay wax usocdaan ayaa lagu casuumay Halgame Cadaani Hirmooge Afhayeenka JWXO oo wakiil ka ahaa Asxaabta mucaaradka ah iyo Wasiirka Biyaha ee DDS Cabdi Hurre.

 

Doodii ayaa bilowgiiba dhex martay Mudane Hirmooge iyo Axmed Nagaashe Wariyihii BBC da oo sidii lagu yaqaanayba garab siin jiray kooxdii TPLF xiligii uu dagaalku udhaxeeyay ONLF iyo kooxdii TPLF.

 

Axmed Nagaashe ayaa hilmaamay in uu Wariye yahay isagoo ujawaabayay Cadaani khaladaadkana kasaxayay Cabdi Hurre.

 

Axmed Nagaashe ayaa 10 jeer in kabadan kusoo celiyay mucaaradku ma qasabbaa in sida ay iyagu rabaan layeelo!

 

Sidoo kale Axmed Nagaashe ayaa mar uu lahadlayay aqoonyahan khadka kujiray kuyidhi mucaaradka sidan uhadlaya miyaa wax hogaamin kara haday xil qabtaan! Taas oo noqotay khaladkii ugu waynaa ee uu galay ninkii Wariyaha madaxa banaan isku sheegayay.

 

Inkasta oo Axmed Nagaashe iyo habkii loobarbaariyayba lagaranayo hadana waxaa lagama maarmaan ah in lagu dacweeyo Dowlada Ingiriiska oo laga leeyahay ideecada BBC-da.

 

Fiiro Gaar Ah Axmed Nagaashe wuxuu ideecada BBC-da kusoo biiray xiligii ay kooxdii TPLF iyo ideecada BBC-da laanta Af-soomaaligu galeen heshiiskii kadhanka ahaa ONLF, wuxuuna ahaa Wariyeyaashii loo carbiyay arinkaas.

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ADS