Erdogan”Kuwii inqilaabka isku dayay cashar aysan ilaawayn baan u dhignay”

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa Sheegay in inqilaabkii Turkiga ka dhacay September, 12, 1980, uu ahaa inqilaab Turkiga burbur wayn ugeystay Isla markaana ka lumiyay Tobanaan Sanadood.
Wuxuu Erdogan yidhi “Inqilaabkan d’atat, Wuxuu Turkiga u horseedau burbur wayn oo dhinacyada Dhaqaalaha, Siyaasada, Dublomaasiyada iyo Qanuunka ah, wuxuuna dalkeena ka lumiyay Tobanaan Sano”
Madaxweyne Erdogan Isagoo hadalka wata waxa uu yidhi “Waa In lagu qoro Maskaxda dadkeena, mid kamid ah Maalmihii ugu madoobaa Taarikhdeena Siyaasadeed”
Madaxweyne Erdogan Mar uu ka hadlay Afgambigii dhicisoobay ee bishii July, Sanadkii 2016, Wuxuu Sheegay in Kuwii Falkaasi ka dambeeyay ay siiyeen Cashar xiiso badan oo Waligood aysan ilaawi doonin.
Madaxweyne Erdogan oo soo jiitey Dareenka Shacabka Turkiga mudadii uu Hogaaminayay Turkiga ayaa sheegay in 18-kii sanee lasoo dhaafay ay ka Shaqaynayeen Xoojinta Halganka Turkiga ee difaaca Madax banaanida iyo Mustaqbalkiisa.
W/Q

Shardiid Macalin
Image may contain: 1 person, standing and suit

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ADS