Ethiopia iyo Bank aduunka oo Heshiis ku kacaya 400 milyan saxiixday.

Ethiopia iyo Bangiga Aduunka ayaa maanta kala saxiixday heshiis Maaliyadeed oo ku kacaya 400 milyan oo dollar oo loogu talagalay wax ka qabashada Saboolnimada Magaalooyinka waana Barnaamij noqonaya Taageero iyo Shaqo abuur loogu talagalay in lagu dhiirigaliyo Dhalinyarada Saboolka ah.
Heshiiska waxaa Adis-ababa ku kala sexeexday Ahmed Shide Mohamed Wasiirka Maaliyada iyo Horumarinta Dhaqaalaha iyo Ousmane Dione, Agaasimaha Bangiga Aduunka ee Wadamada Ethiopia, Eritrea, South Sudan, iyo Sudan.
Lacagta oo ka Socota Ururka Horumarinta Caalamiga ah ee (IDA) ayaa waxaa ka Faa’ideysan doona 816,000 oo ku kala sugan ilaa 83 Maamul Magaalo oo dalka oo dhan ah.
Deegaanka Soomaalida waxaa ka Faa’iideysan doonaa 6-da Maamul Magaalo ee kala ah Jigjiga, dhagaxbuur, Wajaale, Qabribayax, Goday iyo Qabri-dahar.
W/Q

Shardiid Macalin

.

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ADS