Ethiopia waxay toos u beegsanaysaa shacanka Tigrey ga.

Ra’iisal wasaaraha horeee Ethiopiaayaa waxa uu sheegay in Dowlada dhexe ee Ethiopia ay toos u beegsanayso shacabka Tigreega.

Tamrat Layne ayaa sheegay in dagaalka waqooyi lagu beegsanayay shacabka Tigreega, balse uusan ahayn mid saraynta sharciga lagu sugayay.

Leyne ayaa waxaa kale oo uu sheegay in dagalka waqooyi looga danlahaa in colaad la  dhex dhigo qowmiyadaha Tigreega iyo Axmarada, si loo fushado arrimo siyaasadeed, wuxuuna intaas ku daray  in halistan uu ugasii digay maamulka Axmarada intii uusan dagalku bilaaban.

Tamrat Leyne oo kasoo jeeda qowmiyada Axmarada ayaa Dawladda  Ethiopia ku eedeyay innay qayb ka noqotay islamarkaana fududaysay qorshe lagu wiiqayo madhabta Orthodox-ka, isagoo xusay in shacabka waqooyi baddi Orthodox yihin.

 

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ADS