Faransiiska iyo Jarmalka oo eedeyn culus u jeediyay Turkiga.

Wadamada Faransiiska iyo Jarmalka ayaa ku eedeeyay Turkiga mid sii wada Carqaladeynta Midowga Yurub, waxayna ugu baaqeen Ankara iney Todobaad Gudaheed kusoo cadeyso Mowqifkeeda.
Wasiirka Arimaha Dibada ee Faransiiska Jean-Yves Le Drian ayaa Shir jaraa’id ku sheegay in Ficilada daandaansiga ah ee Turkigu wado aan la aqbali Karin.
Wasiirka arrimaha Dibada Jarmalka Heiko Maas ayaa isna Sheegay in Go’aanka Turkiga uu Markabka Sahaminta Shidaalka dib ugu celiyey badda Mediterranean-ka uu yahay “Mid aan la Aqbali karin”
Waxayna Wasiirada Arrimaha Dibada Faransiiska iyo Jarmalku xusen iney ka fiirsanayaan Cunaqabateyn dhaqaale oo Midowga Yurub ku rogo Turkiga marka la gaadho Shir Madaxeedka Midowga ee bisha December.
Yurub ayaa umuuqata mid toos ula safan Wadanka Giriiga, halka Mareykanku uu wali u eg yahay mid door dhexdhexaadnimo Xiisada ku wajahaya, Hase ahaatee Wadamadee Carbeed ayaa iyagna laga dareemayaa iney u Janjeedhaan dhanka Galbeedka, Pakistan iyo Qatar oo qudha ayaa wali Muujiyey doorkeeda ay ku barbar taagan yihiin Turkiga.
W/Q

Shardiid Macalin

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ADS