FIFA oo Garoon Caalami ah u aqoonsataya Muqdisho Stadium. waa maxay sababta.

Xidhiidhka Kubada Cagta aduunka ee magaciisa lo soogaabiyo FIFA ayaa waxa ay Garoonka kubada Muqdisho Stadiom u aqoonsatay in uu yahay mid caalami ah oo lagu ciyaari karo.

FIFA ayaa garoonka kubada Cagta Muqdisho gu doonsiisay Shahaadada aqoonsiga,taasi oo ay ku cadaysay in uu la mid yahay garoomada caalamiga ah ee lagu cayaaaro.

 

Gudoomiyaha Xidhiidhka Kubada cagta Soomaaliya Cabdiqani Siciid Carab oo Idaacada  BBC lahadlay ayaa  u sheegay in FIFA ay guddoonsiisay garoonka Muqdisho shahaado muujineyso in uu waafaqsan yahay nidaamka kubadda cagta ee caalamiga ah.

“Wuxuu garoonkeena ku guuleystay in lagu qaban karo ciyaaraha caalamiga ah ee kubadda cagta haddey noqon laheyd kuwa FIFA ay qabanqaabiso ama haddii ay noqon laheyd kuwa qaaradda Afrikaba” ayuu yidhi absiqani Siciid oo BBC lahadlayay.

 

 

 

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ADS