Getajaw Reda oo mar kale hanjabaad culus u diray Abiy Ahmed.

Getjaw Reda oo ah xubin sare oo ka tirsan jabhada TPLF ayaa soo diray fariin muuqaal ah oo uu ku dhaleecaynayo Ra’iisal wasaaraha Ethiopia Abiy Ahmed.

Getajaw Redda oo muuqal soo duubay isagoo duurka ku sugay ayaa Abiye Ahmed ku duray innuusan iskuul xidhma dan kalahayn, isagoo shaki galiyay heerkiisa aqooneed,kuna durray inuu shahaadada PhD iskaga faano balse uusan gaadhin heerkeeda  .

Fariinta uu soo diray getajaw Reda ayaa waxa ka mid ahaa

“Marka aad leedahay indha adayg aad fasalka toddobaad(7-aad) ugaga boodid PhD, islamarkana aad ugu faantid aqaan sanad heerkeeda gaadhin,iskuula  xidhma dhib uma arkaysid.

Xitaa hadii Xerro ciiddan  loo baddalo dan kama galaysid” ayuu yidhi getjaw Reda.

 

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ADS