Ilhaan Omar ii si adag uga hadashay Xaalada Maxaabiista Ethiopia.

Ilhaan Omer ayaa bayaan kasoo saartay xaaladda maxaabiista siyaasadeed ee ku xidhan Dalka Itoobiya iyo xaaladda Gobolka Tigray.

Ilhaan ayaa sheegtay inay aad uga walaacsantahay xaaladda maxaabiista Oramada ee ku xidhan Magaalada Addis Ababa, kuwaas oo kasoomay cuntada labadii toddobaad ee u danbeeyey.

Dawladda Itoobiya ayay ugu baaqday inay ilaaliso xuquuqda aadanaha iyo shuruucda maxaabiista ee caalamiga ah.

Ilhaan ayaa sheegtay in Gobolka Tigray ay boqolaal kun qof Gaajo wajahayaan, waxay sheegtay in Gobolka ay ka dhaceen xasuuqyo, kufsi iyo tacadddiyo ka dhan ah aadanaha, waxay sheegtay in sigaar ah loo bartilmaameedsaday kiniisadaha iyo Tuulooyin dadka Jidhdil loogu gaystay.

W-Q: Barre Ali

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ADS