Ilhan Cumar oo cambaaraysay Soomaali Maraykana laga masaafurinayo.

Xildhibaanad Ilhaan Cumar oo ah Gabadh Soomaaliyeed kana mid ah Aqalka Cad ee Maraykanka ayaa waxa ay cambaarayn duasha uga tuurtay fal ay qorshaynayso Laanta Socdaalka iyo kastamka Maraykanka ,kaasi oo la doonayo in dib loogu celiyo dad Soomaaliyeed oo Dalkaasi Sharci daro ku jooga.

 

Ilhaan Cumar ayaa waxa ay sheegtay in ay tahay wax aan macquul ahayn in la masaafuriyo dadkaas Soomaaliyeed,ayna caqabad ku noqon karto nolosha dad bada.

Xildhibanaada ayaa Qoraal kooban ay o ay arintaas uga hadashay ku baahisay barteeda Twitter-ka waxaa ayna ku sheegtay in qorshaha musaafinta kaliya aysan dhibaato ku aheyn shakhsiyaadkan, balse ay qatar ku yeelan karto Soomaalida , isla markaana ay keeni kart nolol ama geeri..

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ADS