Raisal Wasaaraha Ethiopia Oo Safar Deg Deg ah ku Tagay Dalka Koonfurta Kooriya + Sawiro

(Ogaden24.net) Raisal Wasaaraha Ethiopia  Abiy Ahmed Ali Iyo Wafti balaadhan oo uu hogaaminayo ayaa sidiiran loogu soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha ee magaalada caasimada Seoul.

Waftiga Raisul wasaaraha itoobiya waxaa garoonka kusoo dhaweeyay madaxda ugu saraysa dalka kuuriyada koonfureed oo uu ugu horeeyo Madaxwaynaha dalka Koonfurta Kooriya Moon Jae-in, madaxda safaarada itoobiya ee Seoul iyo masuuliyiin kale.

Raisul wasaaraha ayaa lagu wadaa inuu kulamo kala duwan laqaato madaxda Koonfurta kuuriya, taasoo xooga lagu saarayo xidhiidha diblomaasi ee labada dal iyo iskaashiga dhanka dhaqaalaha iyo ganacsiga ee labada dal.

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ADS