Ethiopia Oo Ciidan Kale Tababaratay iyo Mustafe Cagjar Oo Dhir Beeray + Sawiro

(Ogaden24.net) Taliska Ciidamada Bariga Itoobiya ee fadhigiisu yahay Magaalada Harar ayaa maanta soo bandhigay dhoolo tus ciidan iyo qalin jabinta ciidan cusub oo ka mid ah Xooga Ciidanka Itoobiya.

Munaasabadan oo uu ka qayb galay MW DDS Mudane Mustafa M Cumar ayaa waxaa ku weheliyay Xooga Ciidanka Booliska Gaarka ah ee DDS, Komishinka Asluubta DDS iyo Waaxda Hogaanka Nabadgalyada ee DDS.

Munaasabadan oo MW Mustafa uu ka soo jeediyay Khudbad waxaa ku lamaanaa dhir beeris ay wufuuda iyo ciudamadu ku sameeyeen Madaxtooyada Hererida.

Dhir beeristan oo MW Musatafa ay ku weheliyeen Ciidanka Booliska Gaarka ah ee Liyu Booliska ayaa ilaa hada socota

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ADS