Wasiirada Arimaha Dibada iyo Gaashaandhigga Ethiopia Oo Ruusha Gaaray

Wafti uu hogaaminayo wasiirka arimaha dibada itoobiya Gedu Andergachew islamarkaana uu weheliyo wasiirka difaaca Lema Megersa iyo Saraakiil ciidan, ayaa gaadhay magaalada Moscow.

Waftiga itoobiya kasocda ayaa waxaa magaalada Moscow kuqaabilay wasiirka arimaha dibada Ruushka Sergey Lavrov.

War kooban oo kasoo baxay wasaarada arimaha dibada itoobiya ayaa lagu sheegay in safarkani uuyahay mid daaran xoojinta xidhiidhka labada wadan, iskaashiga dhanka horumarka iyo arimo kale oo labada dal muhiim u ah.

Ruushka ayaa kamida wadamada ugu saamaynta badan siyaasada caalamka wuxuuna xurguf adag laleeyahay wadamada reer galbeedka iyo gaashaanbuurta Neto.

SDM

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ADS