Madaxwaynaha Jubland iyo Golihiisa Wasiirada oo Maanta war soosaaray.

Waxaa maanta Magaalada Kismaanyo ee caasimada maamulka jubaland ka dhacay Shir ki caadiga ahaa ee Golaha Wasiirada Jubland .

Shirkaan oo maanta oo khamiis ah qabsoomay waxaa shir godoominayay Madaxwaynaha maamulka Jubland  Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe,waxaana lagaga hadlay shirkana qodobo ay ka mid ahaayeen Xaalada amaan ee Dowlad Goboleed ka Jubalnd waxaana lagu amaanay dadaalka Hay’adaha amaanku ay wadaan  waxaa kale oo golahu uu ka hadlay sidii loo dardar galin lahaa howlgalada kadhanka ah kooxa Alshabaab oo Jubaland Dagaal kula jirto.

Dhanka kale Waxaa golahu uu ka dooday dardar galinta adeegyada garsoorka iyadoo Wasaarada Cadaalada iyo garsoorka ay ka warbixisay hanaanka dib u dhiska Xabsiyada Jubbaland gaar ahaan Xabsiga dhexe ee Magaalada Kismaayo oo dhismahiisu uu dhawaan in uu bilaamo lagu howl jiro .

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ADS