Deg Deg :Soomaaliya oo diiday in markale dib loo dhigo Dacwadii Badda oo Kenya Codsatay.

Kenya waxa  ay mar kale ka codsatay Maxkamada Cadaalada aduunka ee ICJ,waxaana arintaasi war ka soosaaray Dowladda Soomaaliya oo sicad u diiday   in mar kale dib loo dhigo dhageysiga kiiska dacwadda badda ee horyaala maxkamadda caalamiga ah ee ICJ.

Waxaana ku sugan Xarunta Maxkamada masuuliyiin sare oo uu ka mid yahay ra’iisul wasaare ku xigeenka Dowlada federaalka SoomaaliyaMahdi Maxamed Guuleed.

 

Mudane Guuleed ayaa mar uu saxaafada la hadlayay waxa uu sheegay in ay Soomaaliya aqbalayn in Kiiskaan markale dib loo dhigo,balse kenya ayaa waxa ay Maxkamada ICj ka dalbatay in mudo sanad ah kiiskan la dib dhigo.

Sidookale Waxaa uu tilmaamay Ra,isal wasaare ku xigeenku in dowladda dhexe ee Soomaaliya ay gudbisay qoraalkeeda diidmada ahaa ee ay arintaas kaga soo horjeedsatay.

 

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ADS