Daawo:Abdikariim Guuleed iyo Shariif Xasan oo ka degay Kismaanyo iyo Qaban qaabada Caleemasaarka oo socota.

Waxaa maanta Garoonka diyaaradaha ee Magaalada kismaanyo gaadhay wafdi ay hogaaminayaan Abdikariim xuseen Guuleed iyo Shariif Xasan Sheikh Aadan,si ay uga qayb galaan xaflada Caleema saarka madaxwaynaha Dowlad Goboleedka Jubland .

Siyaasiyiintaan  ayaa waxaa kui soo dhaweeyay Garoonka diyaaradaha ee Magaalada Kismaanyo Madaxwayne ku xigeenka Jubaland.

Socdaalka Musuuliyiintaan ayaa waxa uu ku salaysanyahay sidii ay uga qayb gali lahaayeen Caleema saarka Madaxwaynaha Maamul Goboleedka Jubland Axmed Maxamed Islaam (Madoobe).

Munaasibada lagu caleema saarayo Madaxwaynah Jubland ayaa la qorshaynayaa in ay kismaanyo ka dhacdo 9bishaan oo maalmo kooban inaka xigaan,iyadoo halkaasi ay ku sii qulqulayaan siyaasiyiinka imaanaya meelo kala duwan.

 

 

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ADS