Jubaland ee jawaab ka bixisay Warqadii ka soobaxday wasaarada Arimaha gudaha Soomaaliya.

Dowlad goboleedka Jubaland ayaa ka soo horjeestay habraacii doorashooyinki barlamaanka ee Jubaland ee ay soo saartay wasaaradda arrimaha gudaha ee dowladda federaalka Soomaaliya.

Wasiirka Warfaafinta Jubbaland Cabdi Xusseen Sheekh Maxamed oo la hadlayay Idaacadda BBC-da ayaa sharci-darro ku tilmaamay warqada kasoo baxday Wasaaradda Arrimaha Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Wasiirka ayaa Dowloada federaalkanku eedeeyey in ay tahay mid mar walba caqabad ku ah Mamul Goboleedyada Dalka ka jira waa sida uu hadalka u dhigaye,isagoointaasi raaciyay in ay dhawaan qaban doonaan munaasibada lagu caleema saarayo madaxwaynah Maamulgoboleedka Jubland Axmed Maxamed Islaam .

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ADS