Jubland:Waxaa markale dib loo dhigay Xaflada Caleema saarka madaxwayne Axmed Madoobe.

Sida uu warbaahinta u xaqiijiyay  Xildhibaan C/risaaq Axmed Maxamed Jindi oo katirsan Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya Waxaa markale dib loodhigay Xaflada Caleema-saarka Madaxwaynaha Dowlad Goboleedka Jubland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) oo lagu waday in ay Arbacada fooda inaku soo haysa Kismaayo ka qabsoonto.

Munaasibadaan dib u dhacfa ku yimid ayuu Xildhibaanku u sababeeyay Xayiraada aan sharciga waafaqsanayn ee ay dowlada Federaalku saartay Masuuliyiintii ka soo qayb gali lahaa ,waxaana uu intaasi ku darayin la filayo in xayiraadaas ay iska dhamaan doonto maalmaha fooda inakau soo haya.

 

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ADS