Madaxwayne ku Xigeenka Jubaland oo Fariin adag u diray Dowlada Dhexe iyo Xariga Wasiir Janan.

Madaxwayne ku xigeenka Koowaad ee Dowlad goboleedka Jubland ayaa waxa uuk digay cawaaqib xumo ka dhalata Xariga ay Dowlada Federaalka Soomaaliya u gaysatay Wasiirkii Amniga Jubland oo mudooyinkaan ku xidhnaa Muqdisho.

Wasiir kii Amniga Abdirashiid Janan ayaa waxa uu mudo u xidhanyahay Dowlada dhexe,iyadoo xarigiisa loo cuskaday in uu tacadiyo ka gaystay Gobolada Gedo iyo Jubooyinka intii uu wasiirka Aminga Jubland ahaa.

Madaxwayne Kuxigeenka 1aad ee Dowlad Goboleedka Jubland Maxamuud Sayid Aadan ayaa waxa uu sheegay in cid alaala cidii wax ka tabaneysa madaxda Jubbaland ay ka dacwoodaan hay’adaha garsoorka Jubbaland,isla markaana Madaxda Dowladda looga baahan yahay inay xuriyadiisa siiyaan Wasiirka inta aysan cawaaqib-xumo ka dhalan.

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ADS