Madaxwaynah Galmudug oo Baaq u diray Dowlada dhexe iyo Gudigii lamagacaabay.

Madaxweynaha Maamul Goboleed ka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa waxa uu Soo dhaweeyay magacaabidda Guddiga Farsamada Maamul Dhisidda Dowlad Gobaleedka Galmudug oo dhawaan la magacabay.

Wasaarada Arimaha Gudaha Soomaaliya  ayaa dhawana magacowday Gudi Farsamo oo dhisi doona Galmugud loodhanyahay .

Gudigaan oo ka kooban 13 xubnood ayaa waxa ay dhexdooda ka dooran doonaan Gudoon cusub ,waxaana laga filayaa in ay soo dhisi doonaan Galmudug cusub oo ay kuwada qancaan shacabka deegaanadaasi.

Madaxwaynaha Galmudug ayaa waxa uu soosaaray Warqad uu arintaasi kaga hadlayo.

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ADS