Madaxwaynaha Soomaaliya oo Maanta furay Kalfadhigii Labada aqal.

Madaxwaynaha Dowlada Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed cabdulaahi Farmaajo ayaa maanta waxaa lagu wadaa in uu furo Kalfadhigii 6aad ee ay yeelanayaan Labada Gole Baarlamaan.

Xildhibaanada Aqalka sare iyo Aqalka Hoose ee dowlada Soomaaliya oo dhawaanahaanba fasax ku jiray ayaa maanta dib u kulmaya,waxaana kulankaasi goob joog ka noqonaya Gudoomiyaha Baarlamaanka Dalka Jabuuti oo Mudooyinkaan safar ku joogay Magaalada Muqdishoee Caasimada Dalka Soomaaliya.

Madaxwayne Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa lagu wadaa in uu halkaasi Khudbad ka jeediyo,wararkayaga Danbe ayaad ku arki dontaan waxyaabaha looga hadlo kalfadhiga iyo khudbada Madaxwaynaha Insha,allah.

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ADS