Soomaliland si oo adag uga Jawaabtay Kornayl Caarre eedeyntiisi.

Wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Somalind Boos Mire Maxamed ayaa waxa uu ka jawaabay eedeany uu dhawaan u jeediyay Kornayl Caarre oo ah Hogaamiyaha Jabhad ku sugan Gobolka Sanaag.

Kornayl Caarre ayaa waxa uu si cad u qaadacay Heshiis la sheegay in uu Madaxwaynah somaliland la galay Odayaal ka soo jeeda Beesha Kornayl Caarre,Balse Caarre ayaa sheegay in aysan Odayaashaasi isaga matalin.

Wasriirka dhalinayara iyo ciyaaraha Soomaliland ayaa arintaasi si kulul uga hadlay,Waxaana Hadaladiisi ka mid ahaa Wasiir Boos“Madaxweynuhu beel dhan ayuu la kulmay oo saladiinteedii, odayaasheedii iyo waxgaradkeedii waad arkayseen oo meel lagu kala maqnaa may ahayn, waxaana la gudoonsaday nabad galyo, madaxweynuhuna wuxuu awooda u lahaa sharciyan inuu cafiyo halkii ayuu kaga dhawaaqay wixii kalana in laga wada arinsado oo sida ugu dhaw loo xaliyo ayuu sheegay, waana lala wada qaatay dhibaatooyinkaasina mudo ayey soo jiitameen sidaas loo wada qaatay ayaanay ku dhamaanaysaa.”ayuu yidhi wasiirka dhalinyarada iyo Ciyaaraha Somaliland Boos Mirre Maxamed oo warbaahinta lahadlayay.

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ADS