Tirada Dadka ku dhintay Roobab xoog leh oo Muqdisho ka da’ay

Ugu yaraan Labo ruux ayaa lagu waramayaa in ay ku dhinteen daadad ka dhashay Roobab Lixaad leh oo saacadihii ugu danbeeyay ka da’ayay magaalada Muqdisho.

Sidoo kale waxaa lagu waramayaa in ay jiraan carruur laga soo badbaadiyay daadadka oo ah kuwo intooda badan saameeyay degmooyinka gobolka Banaadir.

Roobabka ayaa saameynta ugu badan waxaa ay ku reebeen dadka dan yarta ah, gaar ahaan barakacayaasha ku nool magaalada ee degan Aqalada cooshadaha ka sameysay, kuwaa oo gabi ahaanba biyuhu qaadeen.

Waxaa hakad uu ku yimid isku socodkii guud ee magaalada waxaana jira goobo ganacsi oo ay gudaha u galeen daadadka ka dhashay roobka.

Mas’uuliyiinta maamulka gobolka Banaadir ayaa saacadihii ugu danbeeyayba ku howlanaa sidii wax looga qaban lahaa dadka dadaadku saameeyeen, iyaga oo gurmad u sameynaya qoysaska ku dhax go’doosan biyaha.

Waa Roobabkii ugu cuslaa ee waayadan inta la xasuusto ka da’a magaalada Muqdisho,

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ADS