Wafti Kasocda JWXO oo Dhuure Lagusoo Dhaweeyay.

Wafti Kasocda JWXO oo Dhuure Lagusoo Dhaweeyay.

Waxaa Tuulada Dhuure oo Dagmada kudunbuur ee Gobolka Doollo katirsan gaadhay Wafti balaadhan oo Jabhad Wadaniga Xoraynta Ogadenia (JWXO) kasocday.

Waftigan oo uu hogaaminayay halgamaa nuur maxamed faatule ayaa si heer sare ah loogusoo dhaweeyay Tuulada dhuure, halkaas oo dadka shacabka ah ay kaga hor tageen duleedka Tuulada.

Soodhawayn kadib Waftiga ayaa Shir Balaadhan uqabtay dadka shacabka ah ee kudhaqan Tuulada Dhuure
waxaana warbixin ay shacabku in badan tabayeen siiyay Halgamaa faatule oo kamid ah Golaha dhexe ee jabhada wadaniga xoraynta ogadenia ee JWXO.

Halgamaa Nuur maxamed (Faatule)ayaa sidoo kale shacabka uga xog waramay Nidaamka cusub ee Madhamar kaas oo ah mid shacabka dulman ee Soomaalida Ogadenia aan dan ugu jirin.

Shacabka kudhaqan Tuulada Dhuure ayaa dhankooda aad ugasoo horjeedsaday nidaamkan aan dadka lagala tashanin ee Madhamar, kaas oo siwayn ay isu hor taageen.

Ugu danbayntii waxaa si guul ah kusoo dhamaaday kulankii dhex maray Madaxda JWXO iyo shacabka kunoolTuulada Dhuure.

#OGADEN24NEWS

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ADS