Somaliland Oo Dalkeeda ka Masaafurisay Muwaadiniin u dhashay Imaaraadka

Xukuumada kornayl Muuse Biixi ayaa dalka ka mastaafurisay koox ajaanib ah oo u dhashay wadanka Imaaraadka, kuwaas oo wasaarada deegaanku ku eedaysay inay ugaadhsi sharci daro ah dalka ka wadeen.

Kooxdan u dhalatay wadanka Imaaraadka oo todobaadkii hore lagu qabtay madaarka Magaalada Hargeysa isla markaana xabsiga la dhigay ayaa khamiistii mar kale ka dhoofay Hargeysa ka dib markii ay xukuumadu go’aansatay in dalka laga saaro ka dib markii ay bixiyeen lacag ganaax ah oo la dul dhigay.

Warka ayaa sheegayin kooxdan oo ka kooban sagaal ninoo u dhashay wadanka Imaaraadka lagu ganaaxay lacag gaadhaysa toban kun oo doolar, taas oo wasaarada deegaanku dul dhigtay inay bixiyaan.

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ADS