Muuse Biixi Oo Bilado Ku Taxay Komishankii Ugu Shubay Doorashadii Madaxtooyada 2017

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta kulan sagoon ah la qaatay komishankii hore ee doorashooyinka qaranka ee dhawaan xilka ku wareejiyey Komishanka cusub ee xilka la wareegay.

Lis Dairy
Image may contain: 5 people, people sitting, table and indoor
Image may contain: 2 people, people smiling, people standing and suit
Image may contain: 2 people, people smiling, people standing and suit

 

Kulankan oo ay goob-joog ka ahaayeen dhammaanba xubnihii komishanka hore, ayaa ujeeddadiisu ahayd sagootin iyo mahadnaq lagu fooladaynayo shaqadii adkayd ee ay xubnahaasi qaranka usoo qabteen muddadii ay xilka hayeen iyo sidii xilkasnimada lahayd ee ay waajibaadka qaranka usoo guteen.

Madaxweynaha, ayaa xubnaha hore ee komishanka doorashooyinka uga mahadnaqay shaqadii cuslayd ee ay qarankooda usoo qabteen iyo sidii ay ugu adkaayeen garsoorka iyo dhexdhexaadnimada, waxana uu dedaalka ay sameeyeen ku tilmaamay mid ay dadkooda iyo dalkooda gashadeen.

Image may contain: 2 people, people standing and indoor
Image may contain: 2 people, people standing, suit and indoor
Image may contain: 2 people, people standing and suit
Image may contain: 2 people, people standing and suit

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ADS