Jubaland oo war ka soosaartay dagaalkii Muqdisho ka dhacay maanta.

War Saxaafadeed ka soobaxay Maamul Goboleedka Jubaland ayaa lagu cambaareeyay Dagaalkii ka dhacay Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

Falkaas ayaa maamulka Jubland ku tilmaantay ku Tumasho  sharci iyo in ay Dowladu u dulqaadan wayday Banaanbaxyada lagaga soo horjeedo.

“Dowlada goboleedka Jubaland waxay nasiib daro u aragtaa in Dowlada Federaalka ah ee wakhtigeedu dhamaaday, iyadoo awoodi kartay in ay ka shaqayso sidii xal siyaasadeed looga gaari lahaa kala duwanaanshaha afkaaraha, inay qaaday tallaabooyin gurracan oo ay ciidankii dalka u isticmaashay si ka baxsan sharciga, si lamid ah siday ka samaysay Gobolka Gedo” ayaa lagu sheegay warka kasoo baxay Jubaland.

 

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ADS