Madax katirsan Xisbiga ONLF oo maanta Godey gaadhay.

Masuuliyiin ka tirsan ONLF  waxaa la dirayaa in ay saacadaha soosocda gaadhaan magaalada Godey ee Xarunta Gobolka Shabeelle.

Wafdigaan ayaa waxa ay goor dhawayd oo maanta ah ka anbabaxeen magaalada Qabridahare ee Xarunta Gobolka Qoraxay.

 

Masuuliyiintaan oo isugu jira Xubno katirsan Golaha Dhexe ee JWXO iyo Kaadirka Xisbiga ONLF ayaa kuwajahan magaalada Godey ee Xarunta Gobolka Shabeelle.

Madaxda ayaa kulamo kala duwan laqaadan doona qaybaha kala duwan ee bulshada kudhaqan Dagmada Godey, iyagoo kala hadli doona xaaladaha taagan iyo sidii isku aragti looga noqon lahaa.

Sidoo kale waftiga ayaa socdaalkooda ku gaadhi doona qaybaha kale ee Gobolka Shabeelle hadii Alle Idmo, iyagoo bulshada gaadhsiin doona fariinta Xisbiga ONLF iyo ololaha Doorashada.

 

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ADS