Madaxwaynaha Eritrea “Ethiopia waa Dal jilicsan,Abiy Na waa Nin fudud.

Khudbad labba saac socotay oo uu madaxwaynaha Eritrea, Isayas jeediyay ayuu boqolkiiba siddeetan kaga hadlay arrimaha Itoobiya.

Arrimaha lala yaabay ee ku hadlay waxaa kamida:-

1.Wuxuu sheegay in arragtida qowmiga ah Itoobiya halis ku tahay, islamarkaana aan loo baahnayn Dastuurka hadda jira iyo qoddobka 39-aad. Wuxuu sheegay in Melez Zenawi uga digay Deegamada iyo qowmiyadaha siyaasada ku dhisan, xili uu tusay Dastuurka Itoobiya ee qabyada ah.

2. Wuxuu sheegay in Abiye Ahmed yahay ni sal fudud oo dareenku jiito, islamarkaana uu dajiyo isagu.

3.Wuxuu sheegay in Itoobiya tahay dal jilicsan oo aan kaligi istaagi karin.

4- Wuxuu ka hadlay sirta ciiddamada Itoobiya waqooyi, wuxuu dhig dhigay tiradooda iyo qowmiyadaha ay kasoo kala jeedaan.

5- Isayas ayaa siddoo kale ka hadlay biyo xidheenka Itoobiya oo uu sheegay in faragalinta ree galbeedka iyo Maraykan-ka laga daayo.

Arrimahaas iyo kuwa kaloo baddan ayuu kaga hadlay waraysi saacado socday. Shaqsiga Itoobiya kula talinayo in Dastuurka wax lagga baddalo, dalkiisu Dastuur malaha lagama yaqaano doorasho iyo axzaab siyaasadeed.

 

W-q:- Macalinka Soomaliyeed(Ms)

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ADS