Madaxwaynaha Masar oo hanjabaad udiray Ethiopia.

Madaxweynaha  dalka Masar General Abdifitah Al-sisi ayaa fariin hanjabaada u  soo direy Ethiopia oo uu kala dhexeeyo muran dhanka Biyana wabiga Niil.

wuxuu sheegay in Masar aysan mardambe hanjabi doonin isla markaana ay Khad cas uga dhigan tahay hadii lagu xadgudbo biyaheeda.

Madaxweynaha Masar wuxuu intaasi kudaray hadii taasi dhacdo oo lagu xadgudbo biyaha Masar in taasi ay sababi doonto Xasiloonida daro Gobolka oo dhan saameyn doonta iyo Dagaalo sokeeye.

General Siisi wuxuu yidhi “Mardambe ma hanjabeyno, hadii qofi taabto biyaha Masar waxay arki doonaan Falcelintayada, biyaheenu waa Khadka Cas”

Muran dhanka Biyaha wabiga Niil ayaa u dhexeeyay in mudo ah Dalalka Masar,Ethiopia iyo Sudan.

Ethiopia ayaa waxa ay wadaa wajiga labaad ee dhismaha biyo xidheenka Wabiga niil.

 

 

 

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ADS