Madaxwaynaha Turkiga oo hanjabaad u diray Faransiiska.

Madaxweynaha Turkiga Recep Dayyip Erdogan oo si cadho leh ugu jawaabay hadal dhawaan kasoo yeedhay Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron oo ahaa “dadka Turkiga maaha ee waxaan Dhibaato ku qabnaa Erdogan” ayaa sidan hoose yidhi.
Wuxuu yidhi “Maaha dadka Turkiga laakiin Waxaan Dhibaato ku qabnaa Erdogan”
“Macron, Dhibaatooyin badan ayaad yeelan doontaa, Marar badan ayaan horey kuu sheegay, laakiin ma Dhagaysanaysid, U fiirso inaadan aqoon u lahayn Taariikhda, Sidoo kale, waxaan ku idhi Xata ma Taqaanid Taariikhda Faransiiska u gaarka ah”
“Marka hore ha ku Mashquulin dadka Turkiga, ha ku Mashquulin Turkiga”
“Taariikhda Afrika macno ahaan waa Taariikhda Faransiiska, waxaad tahay qofkii hal Milyan oo qof ku dilay Algeria, Adigaa ah kii 800,000 oo Qof ku laayay Rwanda, Kamaa baran kartid bani’aadamnimada barashada koowaad”
W/Q

Shardiid Macalin

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ADS