Madaxwayne Farmaajo oo Dhuusamareeb lagu soo dhaweeyay.

 

Madaxwaynaha Dowlada Federaalka Dalka Soomaaliya Maxamed cabdulaahi Farmaajo iyo Wafdi uu hogaaminayo ayaa waxa ay galabta gaadheen Magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Gobolka Galgaduud.

Magaalada Dhuusamareeb ayaa waxa ay hora u marti galisay Madaxda Dowladad Goboleedyada Soomaaliya oo halkaasi u yeeshay Kulan ay kaga arinsanayeen Xaalada Dalka,iyagoo soo saaray War-murtiyeed ay ku codsanayeen in Dalka laga qabto Doorasho Dadban maadaaba aysan suuragal ahayn in la qabto doorasho qof iyo cod ah waa sida ay hadalka u dhigeen.

Sidookale waxaa horay Dhuusamareeb u tagay Raysal wasaaraha Dalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre iyo xubna kale oo ka mid ah Baarlamaanka Soomaaliya.

Dahwaan ayaa la filayaa in Magaalada Dhuusamareeb uu ka furmo shir ay wada yeelanayaan Madaxda Dowlada Federaalka Dalka Soomaaliya iyo Madaxda Dowlad Goboleedyada,kaasi oo looga arin sanayo qaabkii ay u qabsoomi lahayd Doorashada Dalka oo la filayo in ay dhacdo bilooyinka inaku soo fool leh.

 

Fikradaha Akhristayaasha (0)


Comments are closed.

ADS