Mar xalada Gobolka Sitti iyo kaalinta madaxda PP ee deegaanka Somalida.

Galbeedka gobalka sitti kaliya ma waayin xuquuqdii doorasho ee wuxuu waayey xuquuqdii nololeed ee ay aadamuhu lahaayeen waxaa isugu biiray colaad, abaar iyo macaluul wuxuuna ku jiraa xaalad in cabbir laga qaato adag tahay.

Hadaba DDS intayna dadkan ku maaweelin warqado meelo loo qoro iyo banaan baxyo shacab oo la abaabulo oon waxyeelo mooyee waxtar u lahayn shacabkaas tabaalaysan hogaaminta DDS ee xisbiga BARWAAQADA sheegtay ha uga jawaabaan shacabka ku jira xaalada murugsan qodobadan:-

1. Ma la gaarsiiyo gargaar nololeed halka miisaaniyadii degaanka bil walba loogu deeqayo degaano kale (gubbo dadban)?

2. May u fasaxaan warbaahinta caalamiga ah ee madaxa banaan si loo ogaado xaalada dhabta ah ee dadkani ku jiro ee ah xabsiga saloolan ee cirka banaan?

3. Maxaa loo waayey hal masuul oo ku dhiirada ama ka dhiidhiya oo warbaahinta soo fadhiista sheegana dhibta shacabkaas haysata, halka ay degaanka canfartu hanjabaad daaye dagaal ay u dhan yihiin shacab iyo dawladba meeshay qabsadaana caasimadaynayaan

4. DDS sida ay shalay warqada ugu qortay gudiga doorashooyinka dalka ayey 2 sano ka hor ugu qortay house of federationka oo ay arintani si toosa u khusayso balse jawaab isbadal lagama helin haddase inagaaba afhayeen ka ah ee hal maalin uun muxuu uga hadli waayey goluhu arintan siduu ugu hadlo qawmiyadaha kalee dalka markay dhibi gaadho ka dibna itoobiya daaye caalamka kale ka qalyo waxyeeladaas?

Qodobadaas hadaan jawaab waafiya loo haynin waxaa muuqata in hogaaminta DDS qayb ka tahay dhibaatada ku haabsatay umadaas iyo dhulkeediiba ku darsoo waliba rabaan inay sidaas doorasho ku galaan iyagoo barwaaqaysan.

Masuul walba oo dalkan xil ka haya wuxuu aaminsan yahay inuu ku fadhiyo matalaada shacabkiisa waxaana tusaale kuugu filan sida xubin walba oo hogaamin ahi (hogaaminta qawmiyadaha kale ee dalka) ugu doodaan fagaarayaasha siyaasadeed.

balse masuulka somaliyed waxay u muuqataa inuu ku fadhiyo kursiga matalaada shacabkiisa waxaana udub dhaxaad u ah halbeegyadiisa hogaamineed inuu qanciyo fikir nin la siman ama ka hooseeya oo qawmiyadaha kale ah kaaga darane dadkiisana qabyaalad buu ku qaybiyey si ayna u heshiin ama aragti toolmoon u wadaagin.

ilaa hada lama arag masuuliyiinteena barwaaqa-sooranka oo taas muujinaya waana ta inoo horseeday inaan noqono qawmiyada ugu tayada xun ee siyaasigeedu qabyaalad ku qaybiyey. canfar oo ka mida qawmiyadaha ugu tirada yarina laf dhuun gashay inagu noqotay.

GABA GABADII IYO GUNAANADKII

Waqti xun oo kala guura saamayntiisana leh ayuu dalku ku jiraa inagana (somali) waxaa shacabkeena maanta matala hogaamin mushaarka iyo kursigu wax walba kaga weyn yahay oo kaaga darane fara ku gabbad ah oo u muuqda inay dalka marti ku yihiin.

Sidaa darteed umada somaliyed ee degaanku waa inay isku tashadan sida qaybaha kala duwan ee bulshada.
Madax dhaqameedka
Dhalinyarada
Haweenka
Ururada mucaaradka
Aqoonyahanka
siyaasiga fayaw

Lana aasaaso ururka ka hortaga qabyaalada qodobkaas oo ah kan la inagu guumeystay umadaha kalana kaga hadhnay.
Jawaab adagna ka bixinaa masiirka umadeena si aan uga gudubno ugana badbaadno marxaladahan miisaanka culus ee waqtigan dalku ku jiro.

Xalka arinta galbeedka sittina xalkeedu waa midnimo somaliyed oo aan ka go’naansho aan ku wajahno hal meelna uga soo wada jeedsano taageero iyo difaacba balse inta uu xaalku yahay somaligan la dilayaa waa reer hebel xaalka wuxuu noqon uun saaxiibkii loo xiiryaw adna soo qoyso ama sadexdii dibi ee midba mar la cunay.

Xil hayaha maanta ee gobalka sitti ee u diyaarsan in hadana la soo doorto damiir xumo tii ugu liidatay iga dheh.
Dadyahaw ha noqon kuwii wadkooda gacantooda ku wataye ka fiirsada masiirka mustaqbalkiina.

W/Q:- xildhibaan Abdullahi sh Farah

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ADS