Maraykanka oo Deeqaha uu Ethiopia siiyo joojinaya.

Maraykan ayaa goy’naya kaalmadii iyo taageeradii uu siin jiray Dalka Itoobiya.

Wasaaradda arrimaha dibedda Mareykanka ayaa Jimcihii sheegtay in Washington ay jari doonto kaalmooyinka ay siiso Itoobiya, sababa la xiriira siyaasaddeeda ku aaddan biyo-xireenka weyn ee korontada laga dhaliyo ee loo yaqaan ‘Blue Nile’ taasoo dhalisay khilaaf muddo dheer soo jiitamayay oo u dhexeeya Masar, Itoobiya iyo Suudaan.

Afhayeenka wasaaradda arrimaha dibedda Mareykanka Ned Price ayaa saxaafadda u sheegay in madaxweynaha cusub ee Joe Biden uu dib u eegis ku sameyn doono siyaasadda Mareykanka ee biyo xireenka Grand Ethiopian Renaissance Dam (GERD) isla markaana uu qiimeyn doono doorka maamulku ka ciyaari karo fududeynta xalka u dhexeeya dalalka Suudaan, Itoobiya iyo Masar.

W-Q: Barre Ali

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ADS