Masar oo marti galinaysa dhaawacyada Falastiin.

Madaxweynaha  Dowlada Dalka Masar, General Abdifitah Al-sisi ayaa sheegay inuu go’aansaday in albaabada loo furo Isbitaalada Masar si loogu soo dhaweeyo Dhaawacyada Falastiiniyiinta ee laga keenayo marinka Gaza oo ay Yuhuudu duqaymo isdaba joog ah ka gaysanayso.

Dhanka kale Madaxwaynaha Masar ayaa sheegay in uu ku guuldaraystay   labo iskuday oo Israa’iil uu kaga codsaday xabad joojin kadib markii Israa’iil ay ku gacan saydhay.

Ugu dambeynse Dowlada Masar waxay u muuqataa mid awoodi wayday talaabo kale oo aan ka ahayn iney Isbitaaladeeda kusoo dhawayso dhaawaca Falastiiniyiinta lagu gumaadayo marinka Gaza.

 

Fikradaha Akhristayaasha (0)


Comments are closed.

ADS