Muqdisho: iska hor imaad dhexmaray Ciidamo Militari ah oo ka gadoodsan muda kordhinta Farmaajo.

Iska hor imaad u dhaxeeya Ciidamo ka tirsan Dowladda Fedraalka ah iyo Kuwo Military ah oo ka gadoodsan Muddo Kordhinta Madaxweyne Farmaajo ayaa laga soo sheegaya Waqooyiga Muqdisho.

 

Ciidamada gadoodsan oo ka yimid Gobolka Shabeellada Dhexe ayaa saaka la wareegay Gacan ku heynta isgoysyo ku yaalla Muqdisho oo ay ka waddaan dhaq-dhaqaaqyo Ciidan.

Ilaa iyo hada wax war ah kama soosaarin Dowlada federaalka Soomaaliya ciidamadaan oo gacan ku haynta Qaybo ka mid ah Muqdisho lawareegay.

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ADS