Mustafa Cagjar oo fariin adag u diray Galmudug iyo Alshabaab.

Madaxwaynaha deegaanka Soomaalida Mustafa Cagjar ayaa waxa uu ugu baaqay Maamulka Galmudug ,ururka Alshabaab iyo Hirshabeelle in ay isaga foogaadaan xidhiidh ka ay la samaynayaan kooxda TPLF.

“Waxaa soo noq-noqonaysa iskudayga ururka argagaxisada ah ee Al-shabaab iyo shabakadihii TPLF kaga tageen geeska Afrika oo dhaq-dhaqaaqyo balaadhan ka samaynaya dalalka aan jaarka nahay gaar ahaan Soomaaliya iyo maamul goboleed-yada xaggaas ka jira, oo ay muuqato iskudayo loo ekaysiinayo iskudhacyo qabiil ama dad dhul kala riix-riixanaya kusoo dhex gabbanaya, arrintaas in si weyn looga diyaar garoobo ayaan rabnaa.” Ayuu yidhi Madaxwaynaha deegaanka Soomaalida Mustafa Cagjar.

Dhanka kale waxa uu ka codsaday maamul gobooleedyada in ay ixtiraamaan heshiisyada

“Waxaan maamulada aanu jaarka nahay ee Galmudug iyo Hir-shabeelle ka codsanaynaa inay ixtiraamaan heshiisyadii iyo wadahalladii laga galay ee ku saabsanaa wada noolaanshaha, haddii ay jiraan tabashooyin siyaasadeed, waxaa lagu xalinayaa wadahadalka Miiska, haddii ay jiraan dadyow xuquuq u baahan waa laga wada hadli karaa, laakiin in qaab xoog-xoog iyo riixi taan ah oo soo noq-noqonaysa ay socoto, hadda kadib uma dulqaadan doonno.”

W-Q:- Bare Cali Qaaje

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ADS