Mustafa Cagjar oo ka hadlay deegaanadii Doorashada loodiiday ee Gobolka Sitti.

Maamulka Deeganka Soomalida ayaa warqad ay qoreen kaga hadlay dhulkii shalay Komishinka doorashoyinku sheegay innaysan doorasho ka dhacayn. Warqada waxay kaga hadleen in komishinku is raaciyay dhulkii horey Canfartu u sheegan jirtay iyo waliba kuwo cusub oo maamulka Deeganku gacanta ku hayaan, waxayna arrintaas maamulka Deeganku ku tilmameen mid aan laga qayb galinin islamarkaana aan la qaadin karin. Maamulka Deeganka ayaa komishinka ku eedeyay innay dhanka Canfarta u bateen, kaddib markii ay Canfartu dibad baxyo iyo jidad la xidho ku cadaadiyeen, si loo baddalo go’aankii hore. Goobahana waxay sheegen in maamulka Soomalida doorashoyinkii hore hoostagayeen.

Iskusoo duubo tallaabo wanaagsan ayay maamulka qaateen, waxayna sheegeen in aan la qaadan karin go’aanka komishinka doorashoyinka kasoo baxay.

Waxaan ka haddalnay arrintan markii ay shalay soo baxday, waa si wanaagsan haddii xukuumada Mustafe ka jawabtay. Bulshada rayidka iyo xisbiyada kalena waa innay go’aan middaysan arrintan ka qaataan.

W-Q:- Macalinka Soomaliyeed(Ms)

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ADS