Nairobi:Xasan Cali Khayre oo la shiray Xildhibaanada iyo Satanarada Kenya .

 Ra’iisal wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan cali Khaye oo Dalka Kenya maalmahaan ku sugaa ayaa waxa uu maanta shir la yeeshay Xildhibaanada iyo Senatarada kenya ee Soomaalida ka soo jeeda.
Xasan cali Khayre ayaa waxa uu bartiis afacebook ku daabacay in kulankaasi ahaa mid wadatashi ah .
“Waxaa sharaf ii ah inaan maanta kulan wadatashi ah la yeeshay xildhibaannada iyo sanatarada Soomaaliyeed ee dalka Kenya. Waxaan uga mahad celiyay sida wanaagsan ee ay dadka Soomaaliyeed had iyo jeer u garab taagan yihiin. Horay waxaan wadatashiyo dhaxal gal ah ula yeeshay Shacabka Soomaaliyeed ee aan caasimadda dalka kula kulmay iyo madaxwaynaha Dowladda walaalaha nahay ee Djibouti oo qeyb wayn ka qaatay welina u taagan dib-u-dhiska dowladnimadeenna”

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ADS