Orodyahan Mo Farah oo xil sare loo magacaabay.

Orodyahan Mohamed Faarax oo Asal ahaan ka soo jeea Soomaaliya balse haysta dhalashada Dalka Uk ayaa waxaa ay dowlada Jabuuti u magacowday safiirka waaxda dekedaha iyo aagaga xorta ah.

 

Dekeda jabuuti oo madaxwayne ismaaciil cumar Geele ku dhawaaqay in ay noqonayso degmo ganacsi oo Bariga Africa,ka ku taal ayuu mashaariic badan kala shaqayn doonaa Orodyahan Mo Farah.

War saxaafadeed ka soobaxay Wasaarada dekedaha Jabuuti ayaa lagu sheegay sidan

“Waxaan ku faraxsannahay inuu Mo Farah nagala soo qeyb galo dib u habeynta Dekadda Jabuuti. DPFZA waxay ku faraxsan tahay in mudane Mo uu noqdo safiirkeenna waxayna rajeyneysaa inay mustaqbalka kala shaqeyso mashaariic.”

Mo Farah ayaa ah Orodyahayn u orda Dalka Ingiriiska oo uu dhalashadiisa ahaysto guulo badana uga soo hooyay tartanka Orodada dheer.

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ADS