Qalalaasaha Ethiopia iyo Saamaynta Dhaqaalaha Dalka.

Waxaan ku gudda jirnaa maqaaladeenii taxanaha ahaa;maantana waxaan soo qaadan doonaa sidda qul-qulatoyinkan usaameeyeen dhaqalaha Itoobiya.
B. Dhanka Intetnet-ka
Dalka Itoobiya waa dal aan bad(Landlocked) iyo khayraad saas ubadan lahayn,inta baddan wuxuu ku tiirsan yahay dhaqalaha kasoo gala qaybta addeega(Services-ka) oo ay Dawladdu gacanta ku hayso. Tusaale ahaan Laydhka,Teeleega iyo Diyaaradaha ayay dhaqaale baddan ka heshaa.
‘Netbooks” oo kaashanaysa Bangiga adduunka ayaa inta baddan qiimeya dhaqalaha dalalka kaga luma maalintii marka adeega internetka la xidho,Itoobiyana waxay ku qiimeyaan innay halkii malinba waydo dhaqaale gaadhaya Afar milyan iyo dheeraad Dollarka Maraykan-ka ah.
Warbixinta u dambaysay ee ay soo saareen NetBlock ayaa tibaaxaysa in 17-kii cishee dalka Interntetku ka xidhnaa la khasaaray aduun lacageed oo gaadhaya Toddobatan iyo lix malyan($76 Million).
Warshado,xawaalado iyo shirkado baddan ayaysan shaqadoodu kala soconayn haddii aan addeegan la helin
T: SARIFKA IYO DOLLARKA.
Waxaa bishan hoos udhac ku yimid qiimaha lacagta Itoobiyanka oo halkii Dollar uu maanta gaadhay 35-Birr,suuqa madowna wuxuu marayaa 50-Birr.
J: GANACSIGA.
Shaqaaqoyinka bishan dalka ka aloosan waxay hoos udhac ku keeenen maciishadii dalka dibadiisa loo dhoofinayay & middii soo galaysay(import & Export). Waxayna arrintaasi sababaysaa in Dollar yari dalka soo foodsaarto oo la waayo.
Iskusoo duubo maciishada dalka dibadiisa loo dhoofiyo sidda Ubaxa,Jaadka iyo bunku waxay inta baddan kasoo baxdaa Deeganka Oromada,Qul-qulatooyinkan iyo waddooyinka xidhan oo sii socdana waxay saameyn baaxadleh ku yeelan kartaa dhaqaalaha dalka .

Fikradaha Akhristayaasha (0)


Comments are closed.

ADS