Qaxootiga Diridhaba oo xaalad adag wajahaya.

Warbaahinta DW ayaa u kuur gashay xaalada barkacayasha Soomaliyeed ee ku sugan Magallada Diridhaba, barakacayasha oo 2000 gaadhaya ayaa sannado kahor kasoo barakacay Oromiya. Bulshadan Soomaliyeed ayaa sheegtay in macluul u dhiman doonaan, haddaan gurmad Degdega lala soo gaadhin, maamulka Diridhaba oo arrintan wax laga waydiiyay ayaa ka garaabay dhibaatada haysata barakacayaashan, waxayse sheegen in deeqdii la siin jiray istaagtay kaddib markii maamulka Soomalidu masuuliyada la wareegay, islamarkaana balan qaadka sameeyeen.Waana muddo shan bilood gaadhaysa inta aysan mucaawimo helin dadkan.

Warbaahintu waxay sheegtay innay maamulka Soomalida la xidhiidheen balse aysan helin..

Tollow dadkan Soomaliyeed ee gaajada la dhimanaya maxaa lagu ilaaway? Maxaase ka jira haddalka kasoo yeedhay maamulka Diridhaba ee sheegaya in xukuumada DDS dayacday bulshadan…Xukuumada Mustafe Omer waa innay arrintan faah-faahin ka bixiyaan, bulshada Soomaliyeed-na waxaan usoo jeedin lahaa in dadkan loo gurmado.(Sigaara kuwa Diridhaba ku sugan).

W-Q:- Macalinka Soomaliyeed(Ms)

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ADS