Ra’iisal wasaaraha Ethiopia Abiy Ahmed oo amaan kala duldhacay komishinka Doorashooyinka.

Abiye Ahmed oo war murtiyeed kasoo saaray doorashada dalk ayaa aad ugu dheeraday inuu sharaxaad ka bixiyo, sidda doorashadan kuwii hore uga duwan tahay.

Abiye Ahmed oo komishinka doorashoyinka ka hadlayay ayaa yidhi:-

“Taarikha waa markii u horaysay ee la sameeyay komishin doorasho madax bannaan, oo waliba xisbiyada tartamaya rabbitankooda ka madax bannaan.”

Abiye Ahmed ayaa siddoo kale sheegay innaysan Itoobiya waligeed yeelan Barlaman codka shacabka ku matala oo u hadla, wuxuuna intaas raaciyay in doorashadan waddo cusub oo dhanka dimuqraadiyada ah dalka u jeexi doonto.

 

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ADS