Ra’iisal wasaaraha Ethiopia Abiy Ahmed oo booqday Eritrea.

Ra’iisal wasaaraha Ethiopia Abiye Ahmed ayaa booqasho labba maalmood ah ku gaadhay dalka Eritrea.

Madaxwaynaha Dalka Eritrea  Isayas Afework ayaa ku soo dhaweeyay caasimada dalkaasi ee Asmara.

Booqashadan ayaa kusoo beegmaysa xili labbadan dal caddaadis beesha calamka at kala kulmayaan , islamarkaana Abiye Ahmed Barlamanka Ethiopia ka hor sheegay in lala xisaabtami doono ciiddamada labbada dal ee tacadigii waqooyiga ka qayb qaatay.

Ciidamada Militariga Ethiopia iyo kuwa Eritrea ayaa lagu eedeeyay in ay tacadiyo la gaysteen Waqooyiga Ethiopia gaar ahaana Gobolka Tigreega.

 

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ADS