Ra’iisal wasaaraha Ethiopia oo sheegay in Dalkiisu diyaar u ahayn Dagaal lala galo Sudan.

Ra’iisal wasaaraha Ethiopia Abiy Ahmed ayaa mar uu ka hadlayay kalfadhi baarlamaanka Ethiopia yeesheen sheegay in aysan Dowladadiisu diyaar u ahayn dagaal ay la gasho Sudan.

Sudan iyo Ethiopia ayaa waxaa sanadihii ugu dambeeyay ka dhexeeyay loolan dhanka Xuduuda iyo Biyo xidheenka Wabiga Niil oo ay Ethiopia bilowday Dhismihiisa.

Ra’iisul Wasaare  Abiy Ahmed Ali ayaa sheegay in Dalkiisu uusan rabin dagaal wakhtigan lala galo Wadanka Sudan  oo ay Daris yihiin.

Hadalka Abiy Ahmed ayaa kusoo beegmaya xili laga cabsi qabo xiisada ka taagan Deegaanka lagu muransan yahay ee Al-faqsha iney isku badesho gacan ka badal Dhexmara labada Dal ee  Sudan iyo Ethiopia.

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ADS